Su'aal: Immisa Ilaah ayaa jirta?
Jawaab: Waxaa jira hal Ilaah oo xaq ah.
Aayad: Markos 12: 29b "Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ah waa Rabbi keliya."
Su'aal: Maxaa loola jeedaa Saddexmidnimo?
Jawaab: Saddexmidnimadu waa eray ka war bixiya sida Ilaah isugu muujiyo Kitaabka Qudduuska ah, sida Aabbaha, Wiilka, iyo Ruuxa Qudduuska ah. Inkasta oo uu mid kasta oo ka mid ah Saddexmidnidu yahay Ilaah kaamil ah marna lama macne ahan saddex Ilaah. Eeg suÂ’aasha laad.
Aayad: 2 Korintos 13:14 "Nimcada Rabbi Ciise Masiix iyo jacaylka Ilaah iyo wehelmnimada Ruuxa Qoduuska ahu kulligiin ha idinla jireen."
Su'aal: Aabbahu ma Ilaah kaamil ah baa?
Jawaab: Haa, Aabbaju waa Ilaah kaamil ah?
Aayad: Filiboy 2:11 "Iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano."
Su'aal: Wiilku ma Ilaah kaamil ah baa?
Jawaab: Haa, Wiilku waa Ilaah kaamil ah?
Aayad: Yooxanaa 20:28 "Toomas ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbigay iyo Ilaahayow."
Su'aal: Ruuxa Qudduuska ahi ma Ilaah kaamil ah baa?
Jawaab: Haa, Ruuxa Qudduuska ahi waa Ilaah kaamil ah.
Aayad: Falimaha Rasuullada 5:3a-4b "Laakiin Butros baa ku yidhi, Ananiyasow, maxaa Shaydaanku qalbigaaga u geliyey inaad Ruuxa Qoduuska ah been u sheegtidÂ…Dad been uma aad sheegin, waxaadse u sheegtay Ilaah." F.G. Seddaxmidnimadu marnaba micnaheedu ma ahan seddax Ilaah. Eeg suÂ’aasha laad.
Su'aal: Yaa abuuray adduunka?
Jawaab: Ilaah ayaa abuuray adduunka.
Aayad: Bilowgi 1:1 "Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray."
Su'aal: Illah wax kasta miyuu og yahay?
Jawaab: Haa, Ilaah wax kasta waa og yahay?
Aayad: Maahmaahyadii 15:3 "Rabbiga indhissu meel kastay jiraan, iyagoo fiirinaya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan."
Su'aal: Waa maxaay Kitaabka Qudduuska ahi?
Jawaab: Kitaabka Qudduuska ahi waa Erayga Ilaah.
Aayad: 2 Timoteyos 3:16 "Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada."
Su'aal: Kitaabka Qudduuska ahi muxuu ka kooban yahay?
Jawaab: Kitaabka Qudduuska ahi wuxuu ka kooban yahay Sharcigii nebi Muuse (Towreed), Sabuurkii nebi Daa'uud, Qorniinkii nebiyada, iyo Axdiga Cusub (Injiil).
Aayad: 1 Boqoradii 2: 3a "Oo Rabbiga Ilaahaaga ahna amarkiisa xaji, si aad jidadkiisa ugu socoto, oo aad u dhowrto qaynuunnadiisa, iyo amarradiisa, iyo xukummadiisa, iyo markhaatisfurkiisa, si waafaqsan waxa ku qoran sharciga MuuseÂ…"
Luukos 20:42 "Daa'uud qudhiisa ayaa Kitaabkii Sabuurrada ku leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, midigtayda fadhiiso."
Yooxanaa 6: 45a "Waxaa ku qoran kitaabbadii nebiyada, Kulligood Ilaah baa wax bari doona."
Luukos 24: 44 "Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa in ay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa."
Su'aal: Yaa qoray Kitaabka Qudduuska ah?
Jawaab: Kitaabka Qudduuska ah waxaa qoray Ilaah isagoo adeegsanaya dad barakaysan oo qudduusiin ah oo uu hoggaaminayay Ruuxa Qudduuska ahi.
Aayad: 2 Butros 1: 21 "Waayo, wixii nebiyadii sii sheegeen weligood kuma ay iman dadka doonistiisa, laakiinse dad Ruuxa Qoduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay."
Su'aal: Wax miyaa lagu dari karaa ama laga dhimi karaa Kitaabka Qudduuska ah?
Jawaab: Maya! Wax lagu dari karo ama laga dhimi karo Kitaabka Qudduuska ahi ma jiraan.
Aayad: Muujintii 22: 18-19 "Oo haddii nin wax ka qaado erayadii kitaabka wax-sii-sheegiddan, isna Ilaah baa qaybtiisa ka qaadi doona geedka nolosha iyo magaalada qoduuska ah iyo waxyaalaha kitaabkan ku qoran."